Warbaahinada ugu caansan Nigeria oo daabacay inay Madaxweyne Farmaajo iyo Mahdi Guuleed is-feereen+Daawo

Wargeysyadda ugu caansan dalka Nigeria waxay maanta oo Axad ah ay badankooda Wararka Madaxdiisa u soo qaateen Xubin-wareed ay ugu magac dareen Madaxweynaha Somalia, Farmaajo oo ay feer is-dhaafsadeen Ku-xigeenkiisa.

Mid ka mid ah Shabakadda Wararka Nigeria oo lagu magacaabo naijanews.com ayaa waxay sii daabacday Qormadaasi, waxayna xustay in Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ku-xigeenkiisa, Mahdi Maxamed Guuleed ay Feer is-weydaarsadeen, xilli ay Saxaafadda toos u tebinaysay, waa sida hadalka loo dhigay.

Shabakadda waxay sheegtay inay fahamsan yihiin in Somalia ka go’day Somalia oo aan marnaba Nabad helin, waa sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka Nigeria ee Naija News.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ay qabatay Kameerada iyagoo feer is-dhaafsanayo, xilli ay Tebin Toos ah socotay, ka hor Khilaafkooda.

Shabakadda Naija News ee Nigeria waxay Xubin-wareedka ku soo gebagebeysay inaan weli la ogaanin waxa sababay Dagaalkooda, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale, Warbaahinta Nigeria waxay Xubin Wareedkooda u adeegsadeen Muuqal Video oo aan khuseynin Warkooda ku aadanaa Dagaalka ay sheegeen inuu dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Mahdi Maxamed Guuleed, waxayse adeegsadeen Muuqaal Video-ga oo ku aadan Dagaal 5-sano ka hor dhex maray Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, C/raxmaan Ciro iyo Guddoomiyaha Xilliga ee Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax.

 

Bishii September 12-dii ee sanadkii 2015-kii ayey Labadaasi Mas’uul isku dhex feereen Xarunta Wakiilladda ee Hargeysa, inkastoo ay markii dambe ka heshiiyeen Khilaafkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta la sheegay inay ugu caansan yihiin Nigeria waxay ku fashilmeen Xubin-wareedka ay kaga been sheegeen in Madaxweyne Farmaajo iyo Ku-xigeenkiisa is-feereen.

Khibrad-xumo dhanka Tifaftirka ayaana laga yaabaa inay sababtay in si hubsiimo la’aan u soo daabacaan War aysan hubin Xaqiiqdiisa, mana kala cadda sababaha ay Wabaahinadaasi xilligan ugu soo beegeen Warkaasi aan raadka iyo salka lahayn.

Villa Somalia weli kama aysan hadlin Warkaasi Been Abuurka ee Warbaahinta Nigeria ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo iyo Mahdi M.Guuleed is-feereen.

WQ: Ustaad Nuradin