Turkish Airlines oo dib u bilaabaysa Duullimaadyadii Somalia.(Khasaaro Maaliyadeed oo soo wajahay)

Adil Karaysmayoglu Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee dalka Turkiga, waxa u usheegay inay dhamaystireen Wada-xaajoodyo ay kula jireen 92 Waddan, si ay Shirkadda Turkish dib ugu bilwodo Duullimaadyada.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Turkish Airlines sii wadi doonto Duullimaadyada qorsheysan iyo kuwa aan qorsheysnayn ee 48-dal laga bilaabay bishan August 13-dii.

Dalalka ay Turkish Airlines ka bilwoday Duullimaadyada ayaa kala ah: Somalia, Sweden, Serbia, Senegal, Masar, Jabuuti, Libiya, Lubnaan, Talyaaniga, Kuweyt, Kosvo, Albania, Algeria, Azerbajan, Austria,Bangaladesh, Belarus, Belgium, Bosnia Herzegovina, Canada, China, Croatia, Denmark, Jarmalka, Faransiiska, UK, Greece, Hong Kong, Indonesia, Israel,. Ivory Coast, Luxembourg, Qatar, Poland, Switzerland, The Netherlands, Maraykanka, Ukraine iyo Russia.

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee dalka Turkiga, Adil Karaysmayoglu waxa uu sheegay inay dib u bilaabeen Duullimaadyada gudaha iyadoo la adkaynayo Faya-qabka, lana qaaday Tallaabooyin dhanak Ammaanka.

Waddanka Turkiga waxa uu ka mid yahay dalalka uu saamaynta xun ku yeeshay Cuddurka COVID 19,iyadoo la diiwaan geliyey 245,635 Bukaan oo ay ku jiraan 228,057 Bukaan oo bogsatay iyo 5,912 u geeriyootay.

Caalamka oo idil waxa COVID 19 laga helay 188 dal iyo goballo, iyadoo ay Maraykanka, Brazil, India iyo Raashiya yihiin dalalka uu sida xun uu waxyeellada ugu geystay Caalamka.

Shirkadda Turkish Airlines waxay shaacisay Tan iyo markii uu Coronavirus ka dillaacay Caalamka inay khasaareen lacag dhan 2.23 Billion ee Lacagta Liiraha Turkiga (TL) oo u dhiganta 315.9 million oo Dollar

Dhanka kale Shirkadda Turkish Airlines waxay sheegtay in xilligan oo kale sanadkii hore ay macaasheen 133 million ee Liiraha Turkiga.