Shirka Dhuusomareeb 3, Madaxweyne Formaajo wuxuu ka dhigey shir shaah lagu cabbayo laguna sheekeesto


Shirka Dhuusomareeb 3 waxey u badan tahay in fashil ku dhamaan doono madaama Madaxweyne Formaajo yiri go’aanka ka soo baxa Shirka Dhuusomareeb waxaan ku soo celinayaa Baarlamaanka iyagaana go’aanka ugu danbeeya ka gaari doona, waxey u badan tahay in madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe qaadacaan Shirka Dhuusomareeb 3 oo aysan ka soo qayb galin.

Maxaa yeeley Shirka Dhuusomareeb 3 wuxuu Madaxweyne Formaajo ka dhigey shir shaah uun lagu wada cabbi doono balse heshiis iyo go’aan siyaasadeed lagu gaari doonin.

Soomaaliya ma laha maxkamad Dastuuri ah. Dowladda Federaalka madaxdooda iyo kuwa Dowlad Goboleedyadda marka isqabsadaan ayaandarro hadda waxaa u kala gar qaada beesha caalamka. Waxey noqonaysaa in Soomaalida la soo farageliyo markale oo Road map cusub u sameyso Qaramadda Midoowe si looga gudbo marxaladan kala guurka.

Waxaa xusid mudan Dowladda Federaalka kuma dhismin caqli iyo hanti Soomaaliyeed. Dowladnimadda daciifka ah ee hadda haysano waxaa dhisey oo maalgeliya oo amnigeeda suga Qaramadda Midoowe iyo Beesha Caalamka. Iyagaana haddana faraha la soo galaya haddii Soomaalida sidii caadada u ahayd is xalin kari waayaan.

Ilyas Mohamud Hussein