Muqdisho oo yeelatay nalka Musawaca markii ugu horeysay in ka badan 30-sano kaddib (Video)

Magaalada Muqdisho ayaa yeelatay nalka Musawaca loo yaqaano oo ifinaya inta badan xaafadaha caasimadda isla markaana lagu hago maraakiibta caalamiga ah ee ku soo xiraneysa dekeddaha caasimadda iyo degaanada ku dhow dhow.

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo xarigga ka jaray daah furka nalka Musawaca oo ku yaala xarunta Radio Muqdisho ayaa ka hadlay taariikhda musawacaasi oo uu sheegay in la isticmaali jiray kahor inta aanay Soomaaliya xornimada qaadan oo ka badan boqol sano.

“Musawacaan wuxuu hagayaa maraakiibta iyo doomaha marka ay dhacaan dabeylo” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka hadlay munaasabadda lagu furayay dib u howlgelintiisa, wuxuuna sheegay in tallaabadani tahay mid dowladdu horay ugu qaaday dib u soo celinta adeegyada lagama maarmaanka ah.

Waxaa uu sheegay in maalin walba horumar laga sameynayo sidii kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha dowladdu ku howlgasho dib u dayactir lagu sameynayo, kuwaasi oo ku burburay dagaaladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay markii la riday dowladdii milateriga sanadkii 1991-kii.