Maraykanka oo WFP siiyay lacag dhan $13.1 Milyan si loo gacan siiyo Qaxootiga uu saameeyay Covid-19.

Hay’adda Cunnada u qaabilsan Qaramada Midoobay WFP ayaa soo dhaweysay kaalmo lacageed oo ugu timid Dowladda Mareykanka gaar ahaan waaxda horumarinta iyo mashaariicda, waxa ay dhan tahay $13.1 milyan oo doolar si loogu caawiyo 41-kun oo ruux Qaxooti ah oo uu saameeyay Cudurka Covid-19.

WFP ayaa sheegtay in mashaariicda ugu badan oo ay u adeegsaneyso lacagtaan ay tahay cunno u iibinta qoysaska dhanta yar, iyada oo laga duulayo isu socodka istaagay, tayo la’aanta waxyaabaha la cunayo iyo amni darrada ka jirta dalalka qaar.

“Dowladda Mareykanka oo ah saaxiibka gacan qabta Sanduuqa cunnada Qaramada Midoobay waxa uu bixiyay kaalmo loo qorsheeyay Jordan (Urdun), waa in aan si wadajir ah uga fakinaa oo aan uga baaraandegnaa saameynta taban ee Covid-19 dhinacyada Caafimaadka iyo dhaqaalaha, si loo helo kahortag iyo baarista loo baahan yahay in loo sameeyay Dadka Jordan iyo Qaxootiga ay martigeliyeenba” Sidaas waxaa qoraal ku yiri Agaasimaha howlgalka Mashaariicda Hay’adda USAID.

Sidoo kale Qaramada Midoobay qoraal kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Sanduuqa Cunnada ee WFP uu gacansiiyay dad ku dhaw Haaf Milyan (500,000) oo xaqooti ah oo ku sugan labo xero barakac oo weyn, waxa ay sidoo kale bil waliba siisaa lacag ay ku caawiso dadkaas.

“Qaxootiga kunool Xeryaha waxa ay bil waliba helaan dhaqaale lacageed iyo cunno Hay’adda WFP loosii mariyo si loo gacansiiyo, arrintaan waxa ay gacan kasiineysaa si ay u helaan daryeel nololeed” ayaa lagu yiri warka Qaramada Midoobay.

QM waxay soo bandhigtay liiska dalalka ugu badan oo ay kasoo jeedaan Qaxootiga, waxa ay sheegtay in ay yihiin wadamada colaadda waqtiga dheer ka taagan tahay.

Hay’adda Cunnada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa sheegtay in si gaar ah ay u gacansiiso dad ka badan 10,000 oo Qaxooti ah oo kasoo badi kasoo jeedaan Dalalka Ciraaq, Yemen iyo Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ah caawiyaha ugu weyn ee Hay’adda WFP, sanadkii hore 2019-kii, sanduuqa waxa uu ugu shubay lacag dhan $73.1 Milyan oo doolar, halka sanadkaan 2020 uu bixiyay $77 Milyan oo doolar.

Xigasho:Jordan Times