Maleeshiyada Al-Shabaab oo weerartay Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa weerartay Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, dagaalka ayaa ka bilawday kadib markii xubno katirsan Shabaab ay gudaha u galeen qaybo kamid ah gudaha Degmada.

Dagaalka ayaa socday muddo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacay oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaana ay isu adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Muddo ayuu socday iska hor imaadka, ciidamada dowladda waxaa u gurmaday Askar kale oo katirsan Militariga Dowladda oo ku sugan Degmada Buurdhoobo iyo deegaannada kale ee u dhaw.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegeen in xubno katirsan Al-Shabaab ay ku dhuunteen dhul beereed, waxaana xogtooda helay Askarta oo markii dambe dagaal toos ah la gashay Shabaab.

Maamulka Magaalada ayaa sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, inkasta oo aysan soo bandhigin tiro koob rasmi ah, balse waxa uu sheegay in baaris ay wadaan, maadaama xili habeen ah uu dagaalka dhacay.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka amniga Buurdhuubo oo la hadlay VOA waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay heleen xogta Al-Shabaab, weerarna kala hortageen.

Waxa uu shaaciyay in uusan jirin khasaare dhankooda gaaray, balse taa badalkeed in waxyeelo ay u geysteen Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Degmooyinka Gobolka Gedo waxaa intooda badan ku sugan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, halka meelaha qaar ay joogaan Askar Itoobiyaan ah oo aan ku jirin howlgalka Midowga Afrika, waxaa weerara saldhigyadooda Al-Shabaab.