Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo maanta lagu wado inay tagaan Magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb Xarunta DG Galmudug waxaa maanta ku wajahan Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo aysan u suuragalin in shalay tagaan Magaaladaas.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo wararku sheegayaan in ay ku maqan yihiin safaro Magaalooyinka Jabuuti iyo Nairobi oo dano maamul iyo mid gaar ah u kala jira.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku hoyday Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdulallaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo martigeliyaha madasha ah.

Dhanka kale kulamo hordhac ah ayay yeesheen, waxaana sidoo kale Dhuusamareeb ku sugan xubnaha Guddiga loo xilsaaray ka soo tala-bixinta Doorashada Dalka oo la siinayo warbixinta koowaad marka la furo shirka si ay u soo gudbiyaan tallo uruurintii ay sameeyeen, inkasta oo aysan qayb ka ahayn shirarkii ay yeesheen xubnaha Puntland iyo Jubbaland.