LYON oo Ceeb iyo Guul-darro iskugu dartay Man.City iyo Guardiola oo la Mariyey Waddadii Kooxdiisii Hore ee Barcelona.

Rejadii kooxda Manchester City ay ka lahayd horyaalka Champions League ayaa burburtay xalay ka dib markii kooxdan ka dhisay dalka Ingiriiska ay guuldaro kala kulantay kulankii ay la dheeleen kooxda Lyon.

Ciyaartan oo xalay ka dhacday Lisbon ayaa ku soo idlaatay guuldarada Manchester City ka dib markii ay kooxda Lyon seddex gool ku garaacday Manchester.

Kooxda Manchester City ayaa waxaa u suuragashay in ay hal gool oo kali ah ay dhaliyaan intii ay ciyaartu socotaym, inkastoo ay fursado badan lumiyeen.

Bilowgii ciyaarta ayaa waay kooxda Manchester City u muuqtay mid ay ciyaar wanaagsan ku soo bandhigeen.

Balse qeybtii dhexe iyo qeybihii dambe ee ciyaarata ayaa waxaa gacanta sare yeeshay naadiga Lyon ee dalka Faransiiska .

Laacibka lagu magacaabo Maxwell Cornet Lyon ayaa goolkii kowaad daqiiqadii 24 u dhaliyay kooxda Lyon.

Kevin de Bruyn ayaa Manchester City u dhaliyay goolka kali ah ee ay heleen

Balse markii ay ciyaartu mareysay daqiiqadii 69-aad ayaa waxaa Maxwell Cornet,uu dhaliyay gool labaad.

Balse kooxda Lyon ayaa mar kale soo rogaal celisay oo waxaa ay daqiiqaddii 87 ay dhaliyeen goolkii saddexaad.

Tababaraha kooxda Manchester Pep Guardiola ayay xalay u ahayd guuldaradani mid uu qaadan waayay.

Waa markii labaad oo ay kooxda Manchester City ku guuldarreysanayso inay gaarto afar dhammaadka Champions League, sidaa ayayna xalay tartanka uga hartay.

Kooxda Lyon ee faransiiska ayaa dhankeeda u gudubtay afar dhammaadka Champions League markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2009/10.