Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray mashaariic cusub+Sawirro

Muqdisho:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane; Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarigga ka jaray xarunta Hooyada iyo dhallaanka MCH-ka Degmada Kaxda iyo goob waxbarasho oo loogu talagalay in Carruurta ku nool Degmada si bilaash ah wax loogu baro.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka Gobolka ay ka go’antahay wax ka qabashada baahiyaha ka jira Degmada Kaxda iyo Degmooyinka kale ee Caasimadda ku yaalla.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda, Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin mashaariicdan horumarineed, isagoo xusay in ay baahi weyn u qabtay bulshada Degmada.