Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Madaxwayanaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Ku-xigeenkiisa Cali Ciid iyo Mas’uuliyiin kale oo aad u fara badan.
Madaxweynaha iyo Wafdigiis ayaa la qorsheynayaa inay kulamo la qaataan Maamulka iyo qeybaha bulshada ee magaalada Dhuusamareeb, iyagoo halkaasina uga qeyb galaya Shirka Dhuusamareeb 3 ee looga tashanayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka.