Madaxweyne Qoor Qoor “Galmudug waxey Ujiheysatay Jihada Hormarka Iyo Iskutashiga…”

Munaasabad lagu maamuusayay aas-aaska Dhismaha Galmudug oo la dhidbay 14-kii Agoosto 2006-dii, waxa uu marba heer gaaraba ugu dambeyn ka gudbay Magaalada Gaalkacyo oo lagu aas-aasay.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay in 14-sano kadib guud ahaan Gobollada Galgaduud iyo Mudug uu wada gaaray Maamulka, isaga oo u mahad celiyay dadkii ka qaybgalay dhismaha Dowlad Goboleedkaan.

“Waxaan Dhamaan Dadka Reer Galmudug ugu Hambalyeynayaa Sanad guurada 14-aad Ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Maamulka Galmudug sanadkii 2006. August 2006 Ayay Dadka Reer Galmudug U Istaageen Sidii Ay Udhisan la haayeen Maamul Si gaara Ugu Adeega Danaha Dadka Iyo Deegaanka Reer Galmudug” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Waa uu sii hadlay waxa uu yiri “Bishii July 2015, Shirweyne Ay Iskugu Yimaadeen Bulshada Degan Labada Gobol Ee Mudug Iyo Galgaduud ayaa lagu Qabtay Magaalada Cadaado Waxaana Ka Dhashay Baahinta iyo Dib U Aas aasida Galmudug Cusub Oo Ku Fida Ama Gaarta Labada Gobol Ee Mudug Iyo Galgaduud, Waxaana La isla Qaatay Magaca Galmudug”.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dhabbaha horumarka iyo iskaashiga reer Galmudug ay ku taagan yihiin muujineyso yidadiilo wanaagsan oo dalka iyo dadka dan u ah.

“Galmudug waxey Ujiheysatay Jihada Hormarka Iyo Iskutashiga, Waxaana Bulshada Reer Galmudug Laga rabaa Iney Qeybweny Ka qaataan, Juhdi Iyo Maalba Galiyaan Dhisamaha Galmudug, Oo Ay Deegaankooda Dib Ugu Soo Laabtaan Ayna Maal Gashtaan, Hormarintisana Qeyb Weyn Ka Qataan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor.