Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soosocda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug halkaasi oo uu ka furmi doona Shirka Dhusamareeb 3.

Cabdi nuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay Safarka Madaxweynaha ee Magaalada Dhuusamareeb.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu yiri Madaxa Warfaafinta xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

ka hor inta uusan u safrin Dhuusamareeb Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu kaga hadlaayo arimaha doorashooyinka u jeedin doonna Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Dhanka kale waxaa la hadal hayaa inuu Madaxweyne Farmaajo u sheegi doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana warar qaar ay sheegayaan in uu dalban doono in loo kordhiyo waqtiga magacaabista Ra’iisul Wasaaraha.