Madaxweynaha K/Galbeed oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb:- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane, Cabdi casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana garoonka kusoo dhoweeyay Madaxwayanaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, Ku-xigeenkiisa Cali Ciid iyo Masuuliyiin kale.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Lafta-gareen ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya Shirka Dhuusamareeb 3 ee looga tashanayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kale, Madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku wajahan magaaladaas,kuwaas oo iyagana ka qeyb galaya shirka.