Beesha Caalamka oo ugu baaqay Puntland iyo Jubbaland inay ka soo qeybgalaan shirka Muqdisho uga socda Gudiga Doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday maamulada Jubbaland iyo Puntland inay ka soo qeyb galaan Shirka Magaalada Muqdisho uga socda Guddiga Farsamada ee doorashooyinka oo horay loogu heshiiyay shirkii Magaalada Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay ka maqnaanshaha Shirka ee maamuladaasi Jubbaland iyo Puntland.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in doorashada Soomaaliya ay ka hartay Saddex bilood oo kaliyah loona baahan yahay in si weyn loo ilaaliyo Waqtiga doorashooyinka.

“Hawsha guddiga farsamada ee loo xilsaaray inuu ka soo baaraandego soona diyaariyo talooyinka hanaanka doorashada ee ay madaxdu isla qorfeyn doonaan ayaa lagama maarmaan u ah guusha shirweynaha la sugayo” ayaa lagu yiri Warka beesha Caalamka ka soo baxay.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan”

Dhanka kale hadalka Beesha Caalamka ayaa ku soo aadaya xilli maamulada Puntland iyo Jubbaland xubnihii ka socday aysan ka qeyb galin Shirkii dhawaan Muqdisho uga furmay guddiga Farsamada ka baarandegga doorashooyinka.