Bayren Munich oo ugu adkaatay 8-2 Barcelona, kuna dhigtay Ceebtii abid ugu waynayd+Sawirro

Kooxda Barcelona ayaa mar kale si ceeb ah uga hartay tartanka Champions League iyadoo guuldarro weyn oo 8-2 ah kala kulantay kooxda Bayren Munich oo ugu cadcad hanashada koobka xilli ciyaareedkan.

Madaxda Barcelona ceeb uma dhiman doonaan laakiin waxaa taariikhda u gashay ceebtii ugu weyneyd abid,marka laga soo tago in 8-Gool lagu xasuuqay kulan Champions League ah markii ugu horeysay taariikhdooda, waxaa nabarka cusbo sii mariyay Philippe Coutinho.

Barca waxay Coutinho ka bixisay 142 milan, waxay ku tilmaameen inuu ku fashilmay Camp Nou iyagoo amaah ku siiyay Bayern laakiin caawa labo gool ayuu ka dhaliyay mid kalena caawiye ayuu ka ahaa, iyagoo weliba mushaharkiisa qeyb ka bixinaya.

Qeybtii hore ee ciyaarta Barcelona waxaa la tusay awoodeeda iyo sida ay dib uga dhacday kooxaha kale ee waa weyn ee Yurub, laakiin burburka Barcelona ma uusan bilaabanin kaliya caawa, wuxuu soo socday sannadihii ugu danbeeyay oo dhan. Kaliya ma ahan mid uu eedeeda leeyahay tababare Setien.

Ka hor kulankii caawa, sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee kulamada bug baxda ee Champions League ee ay Barcelona ku ciyaarto meel ka baxsan Camp Nou waxay badisay kaliya hal kulan.

Waxaa la gumaaday shan jeer halka ay barbaro galeen seddex jeer. Mudadaas waxay dhaliyeen kaliya seddex gool halka laga dhaliyay 18 gool.

Labo jeer oo 4-0 lagu xasuuqay iyo labo jeer oo 3-0 lagu xasuuqay ayaa ku jirta. Hoos dhacooda waa uu ka horeeyay caawa, Afartii sannadood ee ugu danbeysay mar walba waxaa Barcelona loo dhiibayay natiijo ceeb ku ah.

2017 PSG (5-0)
2018 Roma (3-0)
2019 Liverpool (4-0)
2020 Bayern 8-2

Ciyaaryahan Messi iyo xulafadiisa waxaa ka daba timid da’da, celceliska da’da ee Barcelona waa 30 jir taasoo ka dhigeysa kooxaha ugu da’da weyn kooxaha waa weyn ee Yurub.

Marka laga soo tago in Barcelona ay noqotay koox si joogta ah loogu gumaado Champions League, hadana waxaa laga jabiyay rikoodh aan marnaba lagu fekerin in laga jabin doono.

Waligeed taariikhda Barcelona lagama dhalinin hal kulan oo Champions League ah sideed gool, xitaa tartamada Yuurb oo dhan.

Markii ugu danbeysay ee Barcelona 8-Gool lagu xasuuqo waxay aheyd Copa del Rey sannadkii 1946 markaas oo ay 8-0 ku gumaaday Sevilla.

Dhanka kale Bayern Munich ayaa taariikh weyn dhigtay caawa, waa kooxdii ugu horeysay ee kulan ka tirsan bug baxda Champions League ku badisa 8-Gool.