Weeraro bambaano oo xalay lagu qaaday ku dhowaad 10 degmo oo ka tirsan Maamulka G/Banaadir.

Waxaa xalay weeraro bambaano lagu qaaday ilaa ku dhowaad 10 xarumood oo ka tirsan Xarumaha degmooyinka Maamulka gobolka Banaadir,weeraradaas oo dhaliyay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Xarumaha weerarada bambaano lagu qaaday ayaa waxaa ka mid ah, degmooyinka Boondheere Wadajir, Kaaraan, Waabari, Shibis, Yaaqshiid, Dharkenleey, Deeyniile iyo degaanka Garasbaaleey,waxaana la sheegay in weeraradaas ay ku dhawacmeen ilaa 7 Ruux oo Shacab ah.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in weeraradaas ay ka dambeeyaan Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya,waxaana uu sheegay in dadka ku waxyeeloobay weeraradaas ay isugu jiraan Shacab iyo Askar.

Dhanka kale weerarada loo adeegsado bam gacmeedyada ayaa horay uga dhici jiray Magaalada Muqdisho,hayeeshee weeraradii xalay ayaa waxaa ay uga duwanayeen kuwii hore in hal mar siwadajir ah bambaanooyin loogu weraray 10 Xarumood oo kamid ah Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir.