Madaxweyne Waare “Waxaan kadigayaa in la fashiliyo Shirka Dhuusamareeb..”

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hr-Shabelele ayaa shegay inay rajo weyn ka qabaan in uu dhaco Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kaa soo looga hadlayo Arrimaah doorashooyinka.

Waare wuxuu sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan waxyaabaha kasoo bixi doono,hayeeshee uu sheegay in hadii uu baaqdo ay ka dhalaan karaan in faragelin dhinaca Beesha caalamka ah ay timaado.

Dhanka kale Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka & Dowlad goboleedyada kajira dalka ayuu ugu baaqay inay Shirkaasi kasoo qeyb-galaan,waxaana uu sheegay in natiijada laga filan karo shirka ay ku xiran tahay sida ay u Shaqeeyaan Guddiga ka baaraanedgida Arrimaha doorashooyinka.