Gudoomiyaha G/Banaadir oo sheegay inay ka shaqeynayaan doorasho qof & Cod ah inay ka dhacdo Muqdisho.

Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) Guddoomiyaha goblka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka Shaqeyn doono in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.

Guoomiyaha wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay fursad siin doonto dadka ku nool Muqdisho si ay Codkooda ugu doortaan qofkii ay rabaan,isaga oo ugu baaqay inay ka faa’iidysteen.

Doorashada dadban ayuu sheegay inay dadka qaar ku doonayaan inay xilalka sii hayaan,taasina uu sheegay inaysan u wanaagsaneyn dadka Muqdisho,waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u hiilineyso Shacabka Muqdisho loogana baahan yahay inay garab istaagaan.

Dhanka kale warkaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu ka sheegay munaasabad lagu qabtay degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.