Shiinaha oo 50,000 Dolar ugu deeqday dadka ku tabaalaysan gudaha dalka Soomaaliya.

Qin JianSafiirka Shiinaha uga wakiilka ah Soomaaliya, ayaa sheegay inay 50,000 oo Dollar ugu deeqdeen dadka Soomaalida ee ay daadadku saameeyeen.

Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Safaaradda Shiinaha ku leedahay Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dadka uu daadku saameeyey ay sida ugu dhaqsaha badan dib u dhisan karaan Guryahooda, Noloshooda iyo Wax-soo-saarkooda.

Safaaradda waxay kaloo sheegtay in Deeqdaasi loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay daadadka waxyeeleeyeen.

Dhinaca kale, Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Axmed Ciise Cawad waxa uu ka mahad celiyey Deeqdaasi oo uu xusay inay timid xilli munaasabad ah.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhawaan jeediyey codsi caalami ah oo uu ku dalbaday in taageero loo fidiyo dadka Soomaalida ee ay daadadku ku waxyeeleeyeen Goballadda dalka.