MUWAADINIIN XALAAL AH!!

C/laahi Sheekh Xasan Iyo Salaad Cali Jeelle Waa laba nin oo marka aad u fiirisato aad dareemayso in ay yihiin Rag daacad ah oo aan ahayn danaystayaal.

Waa laba nin oo ilaaheey u sahlay sida loo hadlo, isla markaana hadli yaqaan, waa niman aad uga fekera mustaqbalka soo socda, dadka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaana aan u ogolayn in ay xagatin yar gaarto.

Waa laba nin oo nabadeed kana shaqeeya had iyo jeer sidii dawlad Soomaaliyeed dhidibada loogu taagi lahaa dalka, isla markaana loo soo afjari lahaa colaadda aan dhamaadka lahayn iyo colaad abuurka.

La soco warar kale

Waa niman run sheeg ah oo aan ka baqan mid dagaalama dagaalkiisa, mid wax necbaada nacaybkiisa, iyo mid wax been abuura beentiisa.

Waa geesiyaal ka soo horjeeda xumaanta ay wadaan qaar badan oo ay is xigaan dhalasho ahaan, naftoodana u quuri kara horumarinta dadkooda iyo dalkooda.

FIIRO GAAR AH!

Intaas Haddii aan been ku sheegay Ilaaheeyna wuu ii jeedaa Aakhirana waan rumaysnahay….

Waxaa Qoray: C/risaaq Axmed