Madaxweyne Waare oo wasiirkiisii Beeraha ku badalay mid kalana oo uu magacaabay.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday Wasiirka Beeraha iyo Waraabka maamulkaasi, Cali Xaaji Cabdulle.

Madaxweyne Waare ayaa iska wareegtadaasi Xildhibaan Cabdulqaadir Abuukar Maxamuud ugu magacaabay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Waare oo mudo xilleedkiisu gabaabsi yahay ayaa ku sugan Magaaladda Muqdisho waxa uuna kulamo wadatashi ah la leeyahay bulshada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda goboladda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe si uu ugu hadlo arimaha kala guurka Maamulkiisa.

No photo description available.