Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo maanta kulan la yeelanaaya Axsaabta siyaasadda dalka & Ururada Bulshada rayidka.

Guddiga farsamo ee ka baaraan degida Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay kulan la yeeshaan Axsaabta siyaasadda dalka & Ururada Bulshada rayidka.

Sii hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda kalsoonida lagala laabtay Saalax Axmed Jaamac oo kamid ah xubnaha dowladda federalka ah ku matalaya guddiga ayaa sheegay in maanta ay kulan la qadanayaan Axsaabta siyaasadda dalka iyo Ururada Bulshada rayidka.

Waxa uu sheegay in guddigooda ay qorsheenayaan inay la kulmaan daneeyayaasha arimaha doorashooyinka dalka si talooyin wax ku ool ah u helaan inta aysan tegin magaalada dhuusamareeb oo la qorsheenayo in 15 bishaan uu kafurmo Shirka dhuusamareeb 3 .

Dhanka kale Guddiga ka baaraan-degida ee Arrimaha doorashooyinka ee kulamada ka wada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jirin xubno ku matalaya maamulada Puntland iyo Jubaland,isla markaana labada maamul aysan shaacin sababta ay uga maqan yihiin.