Dowladda Masar oo beenisay qorshe ay Saldhig Milliteri kaga dhisan doonaan Somaliland.

Waxa kale oo uu gaashaanka ku dhuftay Eedeynta Dowladda Ethiopia ku sheegayso inay Masar doonayso inay Saldhig Milliteri ka dhistaan Somaliland, wuxuuna Hadalladda Dowladda Ethiopia ku tilmaamay inay yihiin kuwo qaldan oo aysan xaqiiqo ahayn wararka ay ku sheegayaan inay Dowladda Masar xusul-duub ugu jirto sidii ay Saldhig Milliteri uga dhisan lahayeen Somaliland.

 

“Ethiopia waxay iclaaminaysaa Dagaal Warbaahineed oo ka dhan ah Masar si loo qaldo Fahamka Ra’yul-caalamka ee Xiisadda Biyo-xireenka Dib-u-curashada Ethiopia ee GERD” ayuu yiri Jeneral C/Menhem Katou.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin Tallaabo ay Dowladda Masar ku doonayso in Faragelin Milliteri lagu xaliyo Khilafka Biyo-xireenka Ethiopia, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inuu Madaxweyne C/Fataax Alsisi dhawaan sheegay in Xalka keliya uu yahay in loo maro Wada-xaajoodyo Nabad buuxda.

Jeneral C/Menhem Katou waxa uu ku eedeeyey Ethiopia inay si qaldan u maamulayaan Xiisadda Biyo-xireenka iyo Isku-daygooda ku aadan Arrimaha Webiga Niil, taasi oo uu ka digay inay Deganaansho la’aan u keeni doonto Mandiqada.