Dhul-gariir xoog badan oo xalay ruxay qeybo ka mid ah dalalka Tanzania iyo Kenya.

Dhul-gariir halbeegiisu ahaa 5.9 Rectar Scale ayaa wuxuu xalay ruxay qeybo ka mid ah dalalka Tanzania iyo Kenya.


Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Sahminta dhulka ee The U.S. Geological Survey waxay sheegtay in Xuddunta Dhul-gariirkaasi ka dhacay meel ka baxsan Xeebaha dalka Tanzania, oo 82 KM dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Ganacsiga ee Darsalaam.

Wararku waxay sheegayaan inuu Dhul-gariirka si toos ah uga dhacay qeybo ka mid ah Deemadda Kilindoni ee Gobalka Pawani ee dalka Tanzania iyo Deegaanka Lunga Lunga oo ku teedsan Xuduudka Tanzania la wadaagaan Kenya.

Dhul-gariirkaasi oo dhacay 8-dii Fiidnimo ee Xilliga dalka Tanzania ayaa waxaa ruxunka dhulka laga dareemay dalka Kenya, iyadoo ay dadku muujiyeen cabsi weyn markii ay dareemeen Dhul-gariirkaasi.

Dhinaca kale, Dhul-gariirkii xalay waxaa laga dareemay qeybo ka mid ah Caasimadda dalak Kenya ee Nairobi, magaalladda Mombasa, Gobalka Xeebta iyo Deegaanadda Kawale iyo Kilifi.

Dadka ku nool Xaafadaha Ruaka iyo Ruiri ee Waqooyiga Nairobi waxay sheegeen inay dareemeen dhul-gariirka abaarihii 8-dii iyo 15 daqiiqo ee Fiidnimadii xalay.

Dad ku nool qeybo ka mid ah Gobalka Xeebta ee dalka Kenya ayaa sheegay in Dhul-gariirkii ay xalay dareemeen uu socday muddo u dhexeysay 7 ilaa 10 Ilbiriqsi.