Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland iyo Sheekh Shariif oo ka wada hadlay Doorashooyinka iyo Amniga

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, ahna Madaxa Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa wuxuu Khadka Isgaarsiinta kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Finland, Pekka Haawisto.

Qoraal oo uu Sheekh Shariif soo dhigay Bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay inay isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland ka wada hadleen Xaalladihii ugu dambeeyey ee Arrimaha dalka Somalia, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka, Amniga, Wada-hadallada Somaliland iyo Khatarta Caafimaad ee Cuddurka Laayaanka ee COVID 19.

Dhanka kale Sheekh Shariif wuxuu Dowladda Finland uga mahad celiyey Taageeradda ay la garab taagan yihiin dadka iyo dalka Soomaaliya.