Shirkadda Favori iyo shaqaalaha garoonka Aadan Cadde oo qaati kala taagan (Maxaa soo kordhay?)

Shirkadda caalamiga ah ee laga leeyahay wadanka Turkiga oo gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo shaqaalaha Soomaalida ee ka howlgala garoonkaasi ayaa qaati kala taagan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in nidaam ay dejiyeen maamulka shirkaddaasi si weyn u dhibsadeen, kaasi oo ah mid layaab leh oo muujinaya inaysan jirin nidaamin shaqaale.

“Waxaad arkeysaa nin shalay xafiis fadhiyay oo qodaya musqul, waana wax lala yaabo” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha garoonkaasi oo sababo amni dartood magaciisa qariyay.

LA SOCO WARAR KALE

Dhinaca kale dhacdadaan ayaa ku soo beegantay xilli dhowaan shaqaalaha Soomaalida ay sameeyeen gadood ka dhan ah maamulka shirkadda Favori oo ay ku eedeeyeen inay ula dhaqmeyso qaab aan wanaagsaneyn.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in tacadiyo ka dhan ah shaqaalaha Soomaalida ee ka howlgala shirkadaha Turkiga laga leeyahay ay heysato, kuwaasi oo qofka muwaadinka ah damaanad qaad buuxa siineynin.

Shabakadda Somaliweyn Media Center (SMC)
contact@somaliweyn.com
Muqdisho – Soomaaliya