Saaxiibadeeydii waqtigu na kala geeyay!!!=Faallo=

Caruur nimadii, Bakaalka Waaberi inta uuna soo bixin ayaan hurdada ka kici jiray, iyada oo feereheeyga ey ku sawiran yihiin calaamadihii Dhabashii falkada aheyd ee aan Xalay ku seexday oo dhulka ii tiil. kadibna go’ii Cadaay ee Da’du medabkiisa bedeshay oo xalay Madax illaa Majo aan dhaxanta ka huwanaa ayaan duuban jiray, Go’aa oo kaliya ayaan Dhar ka heeystay, Ceeryaamo ayaana dhulka qarisay.
waxaan tagi jiray Mooradii Weeyluhu ku Jireen, kadibna waxaan u soofi jiray Weeylaha Dhinaca Lo’da loo soofiyo maahee dhinaca kale. dhinaca Bari ilaa “Galka Anqaleey”, dhinaca Qoraxsina ilaa “Burka Miroow diir”.
inta aan sii socdo, Jidka dhinacyadiisa, Shuurta iyo Geed gaabaka, waxaan kula kulmi jiray Xayawaanaad kala Nuuc ah, oo aan i cabsi galineeyn inkasta oo aan Caruur ahaa, weey i wada yaqiineen oo Subax kasta ayeey i arki jireen, Raadkeeygana waa yaqiineen oo kabo ma ilan jirin. weli waan xasuustaa Xayawaanaadkaas iyo midba Geedkii uu ku ag noolaa, waana badnaayeen ( F.S: 1- 32aad)
Quraacdeeydu waxa ey aheyd miraha dabeecigaa ee deegaanka sida: Murcud, Hamir, Docol, Dhamaag, Dhafaruug, kobash, Sabkax, Hamuude, Geesa riyood, Dabaneeylood, Garuunjo, Xabko cadaad iyo kuwa kale.
Markii aan soo weynaaday ee aan Xamar waxbatasho u soo aaday, fasaxa isgoolka waxaan aadi jiray Baadiyaha. Markii Xaas iyo Caruur Alla i siiyay, Farax kasta ee isgoolka waxaan u wadi jiray Baadiyaha, marka laga reebo Sannadahaan dambe ee Colaaduhu sii bateen, Hooyadii ayaaba ka heshay in ey fadaxa u raacdo Caruurta, Gabar ka mid ah Caruurteeyda oo aheeyd da’dii 5aad ayaa Baadiyo ku dhalatay kadib markii Xaaska oo xaamilaa ey raacday kuwii gabadhaa ka weeynaa.
Ma ahan Sheeko mala awaal ah ee waa qeyb ka mid aheyd Nolosheyda.
Mar mar waxaan is iraa, maxaa Magaalo ku keenay?. waa meel Dadkeedu eynan is jecleeyn, Beentuna Runta ka badan tahay, waqtiga inta badan waxaan ku dhuminaa wax aan Nolosheeyna khuseeyn, oo markii aan miyigi joognay aan laxaw nagu heeyn sida: kooxo ciyaara, Arsrna iyo manjester, Filim kuwa sameeyay eyna na aqoon oo aan iska taageerno, Siyaasad Reer Bari iyo Reer Galbeed aan na khuseeyn, Musalsal iyo Enter Net iyo waxyaabo kale oo Madax xanuun aan ka qaadno, Baadiyaha waxa ugu weyn ee aan ka fekirno waxa ey ahaayeen wax Nolosheena toos u taabanayo sida Xiliga Roobka, iyo wax la mid ah. Cudurada badan oo Reer Magaalka ku dhaco sida Stress-ku naguma dhici jirin, waxa laga maarmo ee kharajka badan iyo waqtigu uga dhumaan Reer Magaalkana ma qabi jirin .
Caruurtiina Bara Nolosha Miyiga, haddii aad fursad u heleeysaan, Si ey wax uga ogaadaan Nolosha inta badan ee Somalida Walaalahood ahi ey ku noolyihiin. Waa iga talo.
FG: Saaxiib, waxaan ka wadaa in waqtigu na kulmiyay oo aan isku Beyad ku wada nooleeyn.
Xayawaanaadkaa Saaxiibadeey ahaa ee waqtigu na kala fogeeyay, Caruurtaadu kuweey ka yaqaaniin ?.
Qore : Yahya Amir.