Muwaadin Soomaaliyeed oo maanta lagu dilay Dalka Koonfur Afrika.

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Port Elizabeth, Gobalka Eastern Cape ee Dalkani Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in ALLAHA u Naxariistee Maanta halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Nuuradiin.


Marxuumka oo waday Gaari Truck ah oo uu Rooti ku wareejin jiray, ayaa isagoo maraya Xaafadda Motherwell ay koox tuugo ah oo doonayey inay dhacaan dharaar cad toogteen, iyagoo dhowr xabadood ku dhuftay kadibna goobta ka baxsaday, sida ay ganacsato Soomaali ah oo halka uu dilku ka dhacay gaaray ii xaqiijiyeen.

Dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed, loogu gaysanayo Dalka Koonfur Afrika, ayaa kordhay Bilihii lasoo dhaafay, tiiyoo aanay jirin cid isku taagtay wax ka qabashadooda, Boliiskuna ay kusoo koobaan waan baaraynaa iyo kiisas iska furan oo aan la dabagalin.

WD:Abdulrazak IndhaJacey