Madaxweynaha Galmudug oo dib u soo laabtay, kulana la yeeshay Guddiga Farsamada Doorashooyinka.

Madaxweynaha DG Galmdug, Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalladda Muqdisho, kadib, markii uu booqasho dhowr maalmood ah ku tegay dalka Turkiga.

Qoorqoor markii uu ka soo degay Garoonka Aadan Caddee waxa uu kulan Khaas ah la qatay Guddiga Farsamada ee ka kala socda DF, Dowlad-gobaleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo K/Galbeed iyo Gobalka Banaadir, kuwaasi oo loo xil-saaray inay ka soo talo dhiibtaan Nooc Doorasho ee ka dhici doonta dalka.

Kulanka maanta kama aysan muuqanin min saddexdii xubnood ee ka socday Dowlad-gobaleedyadda Jubbland iyo Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Kulanka uu Madaxweynaha Galmudug la yeeshay Guddigaasi waxa uu ku soo beegmay dhowr maalmood ka hor Shirka Madaxda DF iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada ku madalsan yihiin inay bishan 15-da ku yeeshaan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirka Dhuusamareeb 3-aad ayaan la ogeyn inay Madaxweynayaasha DF iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada ka wada qeyb geli doonaan, maadaama aysan weli xalinin Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhashay Isbedelkii dhacay, kadib Shirkii Dhuusamareeb 2.

Khilaafka ugu weyn ayaana ka dhashay Xil-ka-qaadistii RW Kheyre, oo ay qaar ka mid ah Madaxda Dowlad-gobaleedyada gaashaanka ku dhufteen, kuna tilmaameen mid xadgudub ku ah Dastuurka dalka iyo Heshiiskii Dhuusamareeb 2.