Joe Biden oo u magacaabay Senator Kamala Harris oo ah Haweenay Madow ah inay noqoto ku xigeenkiisa.

Musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga dimuqraaddiga Joe Biden ayaa u magacaabay Senator Kamala Harris inay noqoto ku xigeenkiisa. Waa haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah ee booskan qabata, haddii la doorto.

Tan iyo intii la sadaalinayey cidda jagadan qaban doonta, ayaa senataraddan laga soo doorto California ee ka soo jeedda Hindiga-Jumaykaanka ah waxaa muddadaasba loo arkaayey in ay booskan tahay dadka ugu cadcad.Mr Biden ayaa wajihi doona Madaxweyne Donald Trump doorashada la filayo inay dhacdo 3 November.
Madaxweyne kuxigeenka dalkaasi Mike Pence ayaa isna weli ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee ku xigeenka u noqon doona Trump.
Waxayna labadoodu, waa Pence iyo Harris doodi doonaan bisha october 7-deeda, taas oo ka dhici doonta Salt Lake City, ee Utah.
Mr Biden ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray inay u tahay “sharaf weyn” inuu u magacaabo jagadan Ms Harris, si ay u wada loollamaan.Xigashada Sawirka, Getty ImagesWaxa uuna ku tilmaamay “dagaal yahanad aan cabsi lahayn oo loogu talagalay, iyo mid ka mid ah adeegayaasha ugu wanaagsan ee dalka”.
“Waan ku faraxsanahay si weyn, inay ahaato saaxiibkayga ololahan adag ee aan ku jirno”Ms Harris, oo ah 55 jir, ayaa loo arkaayey inay tahay xiddig ku soo kordhay xisbiga Dimuqraadiga, waxayna hore uga hadhay tartankii madaxtinimada ee bishii Diseembar.
Waxay si isdaba joog ah doodo ugu kulmeen Mr Biden intii lagu jiray doodihii isreebreebka doorashada xisbiga dhexdiisa, gaar ahaan waxay si gaar ah ugu dhalleeceysay xidhiidhka uu la lahaa senatarradii hore ee door bidey kala sooca iyo cunsuriyada.
Ms Harris ayaa iyana dhankeeda barteeda Twitter-ka ku soo qortay in Mr Biden “uu mideyn karo dadka Mareykanka ah maxaa yeelay wuxuu naftiisa ku qaatay si uu inoogu dagaallamo. Ka madaxweyne ahaanna, wuxuu dhisi doonaa Ameerikada ku dhex nool hamiyadeenna”
“Waxaa sharaf ii ah in aan ku biiro anigoo ah musharaxa xisbiga ee Madaxweyne kuxigeenka, oo aan sameeyo waxa loo baahan yahay si aynu uga dhiganno Taliyaheenna Guud”Mr Biden waxaa soo wajahayey maalmihii u danbeeyeyba baaqyo codsi ah oo ah inuu dooro haweeney madow ah oo dhankiisa la tartanta, halka bilihii dhawaa iyadoo qaranku uu ku dhacay xasillooni darro ka dhalatay caddaalad darrada cunsuriyadda iyo dhaqanka booliiska ee ka dhanka ah Afrikaanka Mareykanka ah, taasoo fure codayneed u ah xisbiga Dimuqraadiga.