Hooyo Ku Dhibaataysan Magaalada Hargeysa oo u Baahan Gargaar iyo Caawimaad

Hooyo Canab Cumar Xasan iyo caruurteeda ayaa maanta nagu soo booqday xafiiska Shabakada wararka ee Somaliweyn.com ee magaalada Hargeysa

Hooyo Canab iyo caruurteeda ayaa waxa ka muuqda dhibaato xaga Nolosha ah, waxanay tidhi “ Maanta halkan waxan idinku imid in aan ummada somaliyeed ka codsado in ay isoo caawiyaan, Ilaahay ayaa yidhi ha lays caawiyo, walaalayaal waxa aan haystaa caruur agoon ah, saddexda waqti hal waqti ayaan wax u helaa markaa dhibaato fara badan ayaa I haysata ee walaalayaal halay soo caawiyo”

 

Walaalayaal aynu u gargaarno hooyo Canab iyo caruurteeda oo ku dhibaataysan Magaalada Hargeysa, Ilaahayna wuxu ugu jecel yahay dadka is caawiya, wixii aad bixisaan waa wax aad khayr ku helaysaan If iyo Aakhiraba.

Wixii Tabarucaada ugu soo hagaajiya Xafiiska Shabakada Somaliweyn.com ee Magaalada Hargeysa 

 

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media
Hargeisa
mustaqbal17@gmail.com

Tel:00252-63-4405388 Mobile