Dr Addow ”Hamigeenu wuxuu yahay in aan wadankii ku laabano, aqoonteena uga faa’iideyno wadanka..”

Dr Abdulkadir Addow
Dr Abdulkadir H. Mohamed Addow oo ka mid ah aasaasayaashii aasaasay bar ay ku kulmaan aqoonyahaniintii ka soo baxday jaamacadii ummadda Soomaaliyeed Gaheer ee kulliyadii beeraha Afgoye ku tiil oo la oran jiray (Facoltá di Agraria).

Dr Addow oo ka warbixinaayey ayaa wuxuu sheegay ku dhawaad in muddo 30 sanadood ah la baadi goobaayey aqoonyahanadii beeraha si meel ay ku kulmaan la iskugu keena isla markaasina ay halkaasi isku dhaafsadaan fikradahooda iyo sidii ay ku suurta geli laheed in wadankii hooyo dib loogo laabto  si aqoontii ay soo barteen wadanka dib loogu celiyo.

Bartaas oo ku kulansan yihiin aqoonyhanadii ka soo baxday sanadadii 1970 ilaa 1990 oo hadda aduunka dacaladiisa ku kala nool.

Wareysigan oo aad qiimo u leh waxaa info soo wareysatay wariye Ikraam Cali Kaar