Daawo markab saliid sida oo ku qalibmay xeebaha Mauritius

Markab laga leeyahay wadanka Japan ayaa ku qalibmay xeebaha koonfureed ee dalka Mauritius, kaddib markii ay soo wajahday cillad culus oo keentay in qeybta dambe galo badda gunteeda.

Markabkaan oo lagu magacaabo MV Wakashio ayaa siday 4-kun Ton oo saliid ceyriin ah, isagoo ka soo ruqaanay mid ka mid ah dekedaha dalkaasi.

La soco warar kale oo dheeraad ah

Qaar ka mid ah shacabka dalkaasi ayaa ka dhaansaday saliidii uu siday, waxaana dhacdadaasi ka hadlay dowladaha Mauritius iyo madax ka tirsan dowladda Japan.