Sidee looga gudbi karaa caqabadaha haysta hannaanka waxbarasahda Soomaaliya?

Waxabarashu waa furaha horumarka bulsho. Waddan kasta oo aduunka horumar gaadhay waxbarasho tayo leh ayuu ku gaadhay. Marka dhib dhaqan-dhaqaale ama siyaasadeed ku yimaado dawalad xal u helista arintaas waxay ka abaaraan waxbarashadda.

Dhinaca kale waxbarashadu waa meesha ugu horaysa oy umadi/dawladi ka bur-burto. Nadaam waxbarasho oo hagaasan wuxuu horseedaa horumar halka waxbarasho tayo xun ay tahay waddada bur-burka dowladnimo iyo mid qaranimo.

Sanadihii ugu dabayay Soomaaliya waxay qaaday talaaboyin fiican oo loo qaaday dhinaca hagaajinta waxbarashadda Dalka. Sanadkii 2004/15 ayaa Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho sameeyay diraasad balaadhan oo loogu kuur galayay caqabadaha haysta waxbarashadda Soomaaliya.

Daraasadaas oon aniga gadhwadeen ka ahaa waxay soo bandhigtay caqabadihii lagu ogaaday oo tiro badnaa. Caqabadahaas waxaa ka mid ahaa isdhex yaac dhicanca manhajka. Xiligaas waddanka waxaa ka jiray manaahij tiro badan oo dibada laga soo dhoofsaday. Tallaabooyinka fiican ay Xukuumadani qaaday waxaa ugu horeeyay in manaahijtii faraha badanay ay meesha ka baxeen, amaba ay kasii baxayaan. Waxaa kaloo ka mid ah kordhinta miisaaniyadda Waxbarashadda, isku day loo qaaday tayaynta macalimiinta, diyaarinta saasadda waxbarashadda iyo tayaynta tacliinta sare. Saas oy tahay Soomaalia waxaa u dhiman howlo balaadhan baaxdna leh markay timaado dhisida, tayaynta iyo shaciydda waxbarashadda.

Dajinta Manhaj Qaran

Manhaj waxa uu ka kooban yahay unugyo isku xidhan oy ugu horayso falsafo waxbarasho, ulajeedada/hadafka waxbarasho, maadooyinka tababarka macalinka iyo imitaaxnadda. Intaas oo wadda socota ayaa laysku dhahaa manhaj. Manhaj waa warshaddii soo saari lahayd jiilka cusub ee hagi lahaa horumarna u horseedi lahaa waddanka.

Dajinta manhadka waxbarasho oo dalku yeesho ayaan gooni u ahayndwasaaradda Waxabarashadda. Go’aanka arday noocee ah ayay tahay inay waxbarashadda dalku soo saarto waa mid u dhaxeeysa dhammaan saamilayda waxbarashadda dalka oy ugu horeeyaan dawlad goboleedyadda, daladaha waxbarashada, aqoon yahanadda iyo culuma-owdiinka.

Tan iyo burburkii, manaahijta waxbarasho ee SOomaaliya ma aysan mideysneyn, waxaana laga soo kala qaaday dalal kala duwan

Arinkan waxaa muhiim ka sii dhagaya Soomaalia oo haatan ka soo baxaysa bur-bur sidaas darteedna loo baahan yahay in waxbarashadu ay noqoto mid waddanka gaadhsiisa horumar, dhaydana boogaha bulshadu leedahay. Taasi waxay imaan oo kaliya marka dajinta manhajka-gaar ahaan falsafadda iyo ulajeedada waxbarashdu ay noqoto mid laysla ogolyahay.

Hadii aan tu’saale u soo qaadano waddamadda kasoo baxa dagaaladda sokeeye waxay la kulmaan su’aal laxidhiidha maadooyinka in barashadooda laxoojiyo mudan iyo kuwa ayba tahay inaan ardayda la barin. Maadada taariikhdu waxay ka mid tahay maadooyinka muranka dhaliya oy tahay in go’aan laga gaadho in ardayda loodhigo iyo in kale. Go’aan ka gaadhista arinkani waa mid wadareed. Rwanda oo billowgii ilaa badhtamihii 1990 soo martay dagaal sokeeye oo qadhaadh, madaxdii waddankaas hogaanka uqabatay dagaalkii sokeeye kadib waxay go’aan sadeen inaan maadada taariikhda la barin ardayda mudo 10 sano ah.

Soomaaliya ayaa meel marineyso manhaj cusub oo mideysan oo waxbarashada ah

Waxaa marar badan dhacda in muranka sida uu waddan u baro ardaydiisa maadaha taariikhdiisa uu ka gudubto xadka caalamida oo u taabato waddama dariska la ah. Sida mida dhexmartay, ilaa haatan taagan, Dawladda Japan oo dhinc ah iyo Koonfurta Kuuriya iyo Shiinaha oo dhinac ah. Koonfurta Kuuriya iyo Shiinaha ayaa qaba in manhajka waddanka Japan-gaar ahaan maadada taariikhdu-ayna run ka sheegin falaalkii qalafsanaa ey Borotooyada Japan kula kacday wadamadaas bilowgii ilaa badhtamihii qandingii labatanaad.

Inta aan anigu ogahay taalaabooyinka ay Wassaradu qaaday kuma jiraan dhijinta manhad buuxa. Wasaaradu waxay midaysay maahijtii (taxbooks) kale duwanaa ee dalka ka jiray, waana arin horumar ah. Laakin wali talaabo umaysan qaadin samaynta manhaj dhamaystiran. Waxaa kale oy diyaarisay siyaasadii waxabarashadda oo howsheedu soo socota intii mudo ah, ilaa iyo haddase mayna soo bandhigin lama wadaagin shacabka.

Shuruucda waxbarasho

Sida ay dad badan la wada socdaan waxaa mudo soo socday khilaaf xooggan oo u dhexeeya Dawlad-goboleedka Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashadda kaas oo salka ku haya ka qaybgalka ardayda ku sugan maamulkaas imtixaanaadka qaran. Tani waxay keentay in ardayda ku sugan maamulka Puntland aysan galin imtixaanadkii ey wasaaraddu gadhwadeenka ka ahayd. Ulajeedadaydu ma ahan inaan ku dhawaaqo cida saxan iyo mida qaldan waase inaan tilmaamo in khaliifan uu salka ku hayo maqnaansha shuruuc waxbarasho iyo Dustuurka Qabyadda ah oon kale cadayn kalana qeexin awoodaha waxbarasho ee Dawladda dhexe iyo tan maamul-goboleedyadda.

Qaabka cusub ee manhajkan waxay soo billaabatay sannadkii 2018-kii (Sawirka - July 2018)

Khalaafka Puntland iyo Wasaaradda waxbashadu oo dhibka ugu badani uu ka soo gaadhayo ardayda Soomaaliyeed ee kusugan deegaanadda Puntland ma noqon doono khiliaafkii ugu daybeeyay ee dhex maro Dawladda Dhexe iyo Dadladaha xubnaha ka ah hadii aan si dag-dag ah loo helin shuruc waxbarasho.

Dhamaystirka Dustuurku wakhti ayay u baahan tahay, intaas kahorse waxaa Wasaaradda saaran soo saarida shuruucda waxbarasho. Soomaaliya waa waddanka kaliya een dunidda lahyn shuruuc waxbarasho oo kala hagta. Waxaan la socdaa inay Wasaaradu galisay da’daal la xidhiidha siyaasadda waxbarashadda iyo shuruucda, laakin wax ilaa iyo iminka dhamaystiran ma jiraan intaan ogahay. Samaynta siyaasadda waxbarashadda iyo shuruucdu waxay sidoo kale u baahan yihiin in wadatashi laga sameeyo dhamaan maamul goboleedyadda dalka, laankiinse ay waraashadu gadhwadeen ka tahay.

Gabo-gabadii

Inkasta oo Soomaaliya ay ka jirto caqabado baahsan oo la xidhiidha wabxarashadda, shacabka iyo Dawladuba waxay dareensan yihiin muhimadda ay waxbarashaddu leedahay. Wasiirka Waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Mudane C/Laahi Goodax Barre wuxuu ku ammaanan yahay in dooddii waxbarasha uu banaanka keenay ayna noqotay mid sii xoojisay dareenka shacabka ee la xidhiidha baahiyaha waxbarasho. Si geedi socodka uu u noqdo mid taabo gal ah waxaa muhiim ah in Wasaaradu dar-dar dadaalkeeda laxidhiidha manhaj dajinta, soo saaridda siyaasaddaha iyo shuruucda waxbarasha Dalka ayadoo wadatashi balaadhan kala samaynaysa dhamaan saamilayda arrimaha waxbarashada oy ugu horeeyaan maamul goboleedyadu.

W/Q Dr CAbdulaahi Sheekh Adan, Cilmi baadhe arimaha waxbarashadda @muqadin