Sidaad mooday maahee, war hooy. =Xaq boob=

1. Qofku isagaa Xaq u leh in uu maamusho wixii Alla siiyay, Hadduu Caafimaad qabo, Qaangaarna yahay. waxaan aragnaa kuwa leh, Maamulka Gobalka Banadir Annaga kuu soo dhiseeyno, Xubnaha Aqalka sarena kuu qeybineeyso.
Cumri keyd ah.
2. Qofku waxa uu leeyahay waqti Allaah agtiisa ka qoran inta uu noolaanayo, Saacadna looguma daro. Baarlamankuna waxa uu leeyahay waqti Dastuurka ugu qoran 4 sanno, waxa uu leeyahay 2 sanno ayaan ku darsanayaa.
Meeyto Sharci dajinee.
3. Qofku marka uu dhinto, waajibaadkii saarnaa waa ka dhacaan, Salaad iyo soon lagama rabo. waxaan aragnay meeyto sharci dajinee, Sida ku cad qof.97aad ee Dastuurka Golihii Wasiirada ee Dowladu waxa ey la dheceen Ra’iisul wasaarihii.
Tooba seeg
4.Qofku markii uu sakaraad yahay, ee Naftu ku soo ururto Qaarka sare ee jirkiisa, waxaa loo qabtaa toowxiidka, Ashahaado ayaa la yiraa, waxaad u socotaa marxalad kale. waxaan Arragnaa Baarlamaan sakaraad ah, oo waqtigiisii uu dhamaaday oo la leeyahay Ashahaadka ku dhimo, oo leh waxaa ii dhiman Xeerkii Galmada in aan ansixiyo.
Somalida ayaa ku maahmaahdaa” Shimbiro markeey Baalasheeda hubsato ayeey Buubtaa”
War hooy sidaad mooday, maahee. Dadku waxa ey kuu arkaan in aad tahay Jiijiile, u baahan xanaano, ha isku arkin Gorgor ( F.S:1aad). waa iga talo.
Qore: Yahya Amir