Mohammed A. Geedi Shadoor ”Dooro xildhibaan Daacad u ah Dalka, Dadka iyo Diinta…”


Somalia waxaa ka maqan hogaan daacad ah dadkiisa iyo dalkiisa wax tara hadana si loo helo hogaankas, waxaan iswaydiiyay sidee ugu haboon ee lagu heli karo hogaankaas ama waa ruux caynkee ah oo dalkaan la saari kara dhibaatooyinka sodon jirsaday:

Waa Inuu noqodaa ruux yaqaan maamulka xafiisyada oo hore ugu soo shaqayay dalka.
Waa inuu yahay ruux yaqaan maxaladaha dalku soo maray, aqoon buuxdana u leh qabaa ilada dalkaan degan, xeerinna kara dhibaatooyinka kaga imaan kara oo kartideedii leh, Yaqaana habka a diplomatic relations ay u shaqeeyaan oo wanaajin kara xiriirka gaarka ah iyo midda caalamka ahba.

Ahna mid ka hormariya danta dalka iyo dadkaba oo aan lahayn Dan shaqsi haba yaraatee, diyaarna u ah in uu keeno waxii hanti ah cadaynteedii si lagu xisaabiyo maalinta uu baxaayo.

Waxaa ku talin lahaa in dadka Somaliyeed ay sidaas iyo si ka sii fiican ay xogaanka dalka ku soo xushaan, aduunyada wax naga dhexeeyaan Ay nagu garab istaagaan oo ay nala soo xulaan shaqsigaan si loo taabo geliyo horuumar gaarsiin ummadaan u gacan gashay dad aan ehel u ahayn hogaamin ummadeed.

Mohammed Abdullahi Geedi Shadoor.