Madaxweyne Farmaajo RW miyuu u magacaabayaa Nin ka soo jeeda Gobolada Waqooyi?

Waa goor danbe oo saqdhexe ah, mugdi hamag ah baa jira, dabeysha dhacaysa iyo sida ay laamaha geed dheerka u ruxeyso waxaad mooddaa in dunidoo dhan wixii habar dugaag joogtay adiga ku eryanayaan. Waxaan maqlayaa cod khafiif ah. Waxaan u qaatay in Idaacadu leedahay.
Raisulwasaare cusub oo gobolada waqooyi ee dalka ka soo jeeda ayaa lagu dhawaaqay madaxweyne Farmaayo ayaa ku kalsoon wuxuu dalka gaarsiin karaa qof iyo cod dooraasho ah waa kherihii labaad ee dalka soo mara! waan soo dhaweynay ayaan hadana maqlay waa aniga kaligeey.
Waa markii iigu horreysay ee aan xilligaan oo kale socdo, waddo yar oo labada dhinac geedo uga teedsan-yihiin oo baadiyaha Dayniile ah ayaan dhex socdaa
Waan taag-taagsanayaa oo faraha fooddoodaan ku socdaa, cabsi darteed dhowr meel oo nagaar gaabka iyo jillabku iga sareen ayaa i dhiigeysa, rugrugta wadnaheyga ka yeereysa ayaaba ka dhawaq dheer hugunka dabeysha, goor dambe ayaan afka soo saaray dhabo laami ah oo nalal badan, mise wiilal iyo gabdho ayaa ciyaaraya Wilsiqo, waxaaan ogaaday in dalka ra’isulwasare laheyn, wuxuu iöa noqday mar in codkii aan maqlay ee Raisalwasaare cusub uu dhawaqa shimbiraha oo meel fog ka imaanayay mar kale waxaan is iri wuxuu dadka deggaanka oo sidaa u hadlaya
Adiga mexeey kula tahay?

WQ:-Ismail Taxta