Maamulka Somaliland oo ganaax ku soo rogtay Xarumaha Telefishinada UNIVERSAL iyo STAR ee Hargeysa

Labada Telefishin ee Universal TV iyo Star TV ayaa lagu soo rogay Ganaax Lacageed, sida lagu sheegay Qoraal uu ku saxiixnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi- gelinta ee Somaliland, Mukhtaar Maxamed Cali.

Nuqul ka mid ah Qoraalkaasi oo la soo gaarsiiyey Warbaahinta ayaa lagu sheegay in Telefishinka caanka ee Universal TV lagu ganaaxay 15,000 oo Dollar, halka Telefishinka kale ee Star TV la sheegay in lagu ganaaxay 5,000 oo Dollar.

Dhanka kale Xarumaha Labada Telefishin ku leeyihiin magaalladda Hargeysa waxaa albaabadda la isugu dhuftay bishii June 26-dii ee sanadkan, kadib, markii ay Maamulka Somaliland qoonsadeen qaabka Tebinteed ee 60-guuradii ka soo wareegtay Maalmaha Xorriyadda ee dalka Soomaaliya.