Kulan ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo Baarlamaanada Puntland iyo Galmudug .

Xildhibaano ka kala tirsan Baarlamaanada Galmudug iyo Puntland ayaa markii ugu horeysay ku kulmay Magaalada Gaalkacyo, ka dib xiriirka wanaagsan ee labada maamul u bilowday.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Puntland, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Xildhibaano kale oo la socday ayaa Koonfurta Gaalkacyo kaga qaybgalay casuumaad uu u fidiyay Baarlamaanka Galmudug.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa isbarasho, wada-shaqaynta labada baarlamaan iyo in la iska kaashado isdhexgalka labada bulsho ee ku wada dhaqan Xarunta Gobolka Mudug.

Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa Baarlamaanka Galmudug kaga mahadceliyay casuumaadoodaan quruxda badan.

Labada dhinac ayaa isu waafaqay in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada maamul yeesheen, ka dib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 17-kii bishii May lagu dilay Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee qaybta Puntland, Axmed Muuse Nuur. Ismiidaamintan ayaa ka dhacday Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.