Itoobiya oo ku darsatay Qorshaheeda doorkooda ku aadan Nabad ka hanaqaada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Gedu Andargajew ayaa hadalkaasi ku sheegay Kulan La-tashi ah oo maanta lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba, oo looga wada hadlay Qorshaha Tobanka sano ee Qaranka Ethiopia.

Waxa uu tilmaamay inay Dowladda Ethiopia ka go’an tahay Xaqiijinta Iskaashiga Wadajirka ee dalalka deriska, si loo xaqiijiyo Ammaanka Mandiqadda.

Wasiiru waxa uu daaha ka rogay Mowqifka Xiriirka Dibedda ee dalkiisa ee Siyaasadda Dhaqaale ee Gobalka, Afrika iyo guud ahaan Caalamka, isagoo dhanka kalena sheegay inuu dalkiisa ka shaqeynayo Xaqiijinta Is-dhexgalka Dhaqaalaha Gobalka iyo dadaalka lagu xaqiijinayo Nabadda iyo Ammanka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Gedu Andargajew waxa uu soo hadal-qaaday Kaalinta Dowladda Ethiopia ee Arrimaha Somalia, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan Doorka ay ka qaadan karaan si loo xaqiijiyo Hadafka ku aadan Nabad Waarta oo ka hanaqaada Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray in Deganaanshaha la’aanta ka jirta dalalka Somalia iyo South Sudan ay waxyeelo Toos iyo mid dadban u geystaan Waddada Horumarka ee Ethiopia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia waxa uu hoosta ka xariiqay Muhiimadda ay leedahay Xoojinta Hawlaha Urur-gobaleedka IGAD, si uu Ururka u fududeeyo Waddooyinka Is-dhexgalka Dhaqaale ee Gobalka iyo Xoojinta Xiriirka dadka ku nool dalalka deriska, sida dadaallada lagu dhisayo Nabadda Gobalka.

Xigasho: ENA