Howlgal culus oo CiidamadaPuntland ka wadaan magaalada Boosaaso.

Ciidamada Ilaalada Canshuuraha Puntland ayaa hawlgal ballaaran ka wada Magaalada Boosaaso, kaasoo lagu bartilmaameedsanayo gaadiidka gaarka loo leeyahay ee aan canshuurnayn.

Hawlgalkan ka soconaya Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horkacaya Maamulaha Canshuuraha Berriga ee Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Yuusuf.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in hawlgalka lagu soo qab qabtay gaadiid fara-badan, kuwaa oo loo aqoonsaday inay yihiin kuwo aan canshuurnayn.

Sidoo kale hawlgalka oo weli ka sii soconaya Xarunta Gobolka Bari ayaa lagu beegsanaya gaadiid u badan kuwa raaxada.

Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa kol sii horeysay sheegay in deegaanada Puntland oo idil laga bilaabi doono ololaha lagu soo qab qabanayo gaadiidka bilaa canshuurta ah.