Dadka Maraykanka oo looga digay inay u socdaalaan Kenya iyo Xuduudka Soomaaliya.

War Digniin ah oo ka soo baxay Dowladda Maraykanka, lana sii marsiiyey Safaaradda ay ku leeyihiin Nairobi ayaa waxaa Muwaadiniinta dalkaasi lagula taliyey inay si aad ah uga fekeraan Socdaal ay ku tagaan dalka Kenya.

Qoraalka oo Safaaradda Maraykanka lala wadaagay bishan 8-dii ayaa lagu sheegay in sababaha ugu muhiimsan ee Digniintaasi tahay iyadoo uu Kenya ku sii kordhayaan Kiisaska COVID 19, Dembiyada, Afduubka iyo waxa loogu yeeray falalka Argagixisadda.

Dowladda Maraykanka waxay kaloo sheegtay inay Deegaano ka mid ah Kenya ay Khatarta Amni-xumo ku sii kordhayso.

Xarumaha Maraykanka ugu qaabilsan Kontoroolka iyo Ka-hortaga Cuddurada (CDC) waxay Heerka 3-aad gaarsiiyeen Digniinaha Socdaalka Caafimaadka ee Kenya, sababo la xiriira Khatarta Cuddurka Laayaanka ee COVID 19.

Sida laga soo xigtay Websayka CDC waxay Digniinta Heerka 3-aad kula Talisay Muwaadiniinta Maraykanka inay joojiyaan Socdaalka aan daruuriga ahayn ee ay ku tagayaan Kenya, inta ay xaalladdu u muuqato mid aad Khatar u ah.

Dhinaca kale, Safaaradda Maraykanka ee Nairobi waxay si cad ah u sheegtay in La-talinta ugu dambaysa ee Socdaalka aysan ahayn mid Muwaadiniintooda looga mamnuucayo Socdaalka Kenya.

Qunsulliyada Maraykanka waxay hoosta ka xariiqday in Deegaanadda Khatarta sare ka jirto ay ka mid yihiin Xaafadaha Islii iyo Kibera ee Nairobi iyo Deegaanadda ku teedsan Xuduudka ay Kenya la wadaagto Somalia.

Digniinta ugu dambaysay ee Dowladda Maraykanka soo saarto ayaa ku soo beegantay hal maalin kadib, markii uu Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta sheegay in la hagaajiyey Nidaamka Caafimaadka, hubaalna laga dhigay Caafimaadka iyo Ammanka Dalxiisayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya waxay shalay (Agost 9) shaacisay in la diiwaan geliyey 26,436 Kiisaska COVID 19, oo 420 ka mid ah geeriyoodeen, halka ay 1,291 kalena ka bogsadeen Xanuunkaasi.