CUMAR FILISH: “Waxbarashada aan maanta la wareegnay waa mid aan dadka lacag looga qaadeyn”

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay dowladda dhexe hannaanka waxbarashada gobolka, waxaana munaasabadda la wareegitaanka ka soo qeyb galay dadweyne fara badan.

Dadka ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, qeybaha kala duwan ee ku dhaqan gobolka.

Qeybaha dhaqanka ee ka soo qey galay munaasabadda waxaa kale oo ka mid ahaa: Imaam Maxamed Yuusuf Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Malaaqa Xamar iyo Xamar daye, xubno u dhaqaaqa arrimaha bulshadada, arday dhigata goobaha waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Waxa uu sheegay Cumar Filish in maamulkiisu bilaabay sidii ay dowladda ugala soo wareegi lahaayeen adeegyada asaasiga ah, taasi oo sida uu sheegay ay keentay marxallada dalka ka jirta xilligaan.

“Waxbarashada aan maanta la wareegnay waa mid aan dadka lacag looga qaadeyn” ayuu yiri duqa Muqdisho oo sheegay inay dhowaan qabanayaan munaasabad Wasaaradda caafimaadka loogu wareejinayo maamulka gobolka Banaadir.