Colaadii Deegaanada Fadhigaab Iyo Ceel-Afweyn oo Maanta Si Rasmiya Loo Soo Af-jaray

 

Gudida Heer Qaran oo ka koobnayd Wasiirada iyo la taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa maanta si rasmiya usoo af-jaray Shaqaaqooyinkii ka taagna Deegaanada Fadhigaab iyo Ceel-afweyn.

Gudidan Heer Qaran oo Mudo ku dhaw 4-bilood ku sugnaa Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa Maanta go’aamo kaso saaray Shaqaaqooyinkii ku dhex maray Beelaha walaalaha ah ee wada-dega Degmada Ceel-afweyn.

Waxa iyaguna xusid mudan in beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay ay dhinacooda soo dhaweeyeen go’aanka Gudida Heer Qaran kasoo saareen labadooda dhinac