Xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha, Jeneral Bariise.

Qoraal ka soo baxay Taliyaha Ciiddanka Booliska Somalia, Jeneral Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxaa xilkii looga qaaday Taliyihii Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha, Jeneral C/llaahi Xasan Bariise.

Taliye Xijaar wax uu Taliyaha Cusub ee Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha u magacaabay Jeneral C/risaaq Maxamuud Yuusuf “Afgaduud” oo mar soo noqday Taliyihii Ciiddanka Booliska ee DG Puntland.

Ma kala cadda waxa keenay Isbedelkaasi oo ku soo aaday Xilli uu Taliye Xijaar Isku-shaandheyn ku hayo Taliyayaasha Hoggaanadda Boliska, isla markaana la dallacsiiyey qaar ka mid ah Saraakiisha Ciiddankaasi.