Wasiir Faraton “Haddii ay aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya…”

Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa sheegay inay Somaliland soo dhaweyneyso doodda la sheegay in Golaha Wasiirada Kenya ka yeelanayaan aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in Kenya ay tahay dal uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Somaliland, isla-markaana ay marar badan wafuud u soo direen Somaliland.

Wasiirka oo wareysi siinayay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yiri “Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xiriir dhinacyo badan leh leenahay. Wafdiyo culus ayay marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si le’eg wafdiyo baynu u dirnay. Markaas inaynu xiriirkeena iyo iskaashiga aynu leenahayna weynu sii adkeynaynaa.”

“Haddii ay qadiyadeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya. Wadamada aynu jaarka nahay iyo caalamkaba inay ka marag kacaan qaranimadeena iyo dowladnimadeena, oo ay aqoonsiga aynu xaqa u leenahay ina siiyaan ayaynu ka rabnaa.”

“Xiriirka fiican baynu leenahay wadamada kale ee caalamka, markaas mar walba diyaar ayaanu u nahay in xiriirka aynu la leenahay caalamka sii laba jibaarno, maxaa yeelay waxaynu nahay dal jira oo jiri doona, haddii Allaah yiraahdo. Waxaynu nahay dal leh wax walba oo dal iyo dowladnimo looga baahan yahay, shuruudihii dal madaxbannaan looga baahnaana weynu buuxinay. Sidaas darteed halgan waxaynu ugu jirnaa sidii aynu aqoonsi caalamiya u heli lahayn, iskaashigeen, diblomaasiyadeedna u sii ballaarin lahayn.”

“Shacabkeena reer Somaliland meel kasta oo ay jooggaan waxaan ku dhiiragelinayaa inay dalkooda ogaadaan, oo noqdaan muwaadiniin qaranimadooda meel kasta ku soo bandhiga, waxaan ku dhiiragelinayaa inay isku duubnadaan, oo qarankooda meel uga soo wada jeestaan.”