Turkiga oo cambaareeyey Weerarkii lagu qarxiyay Xerada Guutada 12-aad ee Milateriga.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Dowladda Turkiga si kulul u cambaaraynayso Is-qarxintii shalay lala beegsaday Xerada Guutada 12-aad ku leeyihiin nawaaxiga Garoonka Ciyaaraha ee Mogadishu Stadium.

“Waxaa na soo gaaray Warkaasi, aad baana uga xunahay 8-dii Askari ee naftooda ku weyday iyo kuwii kale ee ku dhaawamay Qaraxaasi oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga.

Dhinaca kale, Dowladda Turkiga waxay sheegtay  inay Tacsida la wadaagayaan Shacabka iyo DFS, isla markaana ay dadkii ku dhaawacmay u rajeynayaan Bogsasho Degdeg ah iyo Caafimaad Taam ah.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga oo ay baahisay Wakaalladda Wararka ANADOLU waxaa lagu xusay inay Turkiga xiriir Taariikhi ah la leeyihiin Somalia oo gundhig ah Mabaa’diida Xiriiradda Guusha, isla markaana ay Hay’adda Iskaashiga iyo Ixku-xirka Turkiga ay Somalia ka fuliyeen in ka badan 150 Mashaariicda Kaalmadda ee Horumarinta tan iyo sanadkii 2011-kii.

Xigasho: ANADOLU