QM iyo Beesha Caalamka oo walaac ka muujiyey Hindise Sharciyeedka Falal-dembiyeedyada Galmada.

Hadal-qoraal oo gelinkii dambe ee shalay la soo dhigay Barta Twitterka ee Xafiiska QM ee Taakuleynta Somalia ee UNSOM ayaa waxa lagu muujiyey Walaaca ay Beesha Caalamka ka qabaan Isku-daygii uu Guddoomiyaha Golaha Shacbiga, Maxamed Sh. C/raxmaan uu shalay Xildhibaanadda la hor-dhigi lahaa Hindise Sharciyeed ku saabsan Falal-dembiyeedyada Galmada.

Qoraalka waxaa lagu xusay shaki weyn oo ka jira sax ahaanshaha Hindise Sharciyeedkaasi ka hor imaanayo Heshiisyada Caalamiga, maadaama uu nuxurkiisu oggolaanayo Guurka Carruurta.

Qoraalka UNSOM iyo Saaxiibadda Beesha Caalamka ee taageerta Somalia waxaa kaloo lagu xusay inay Guddoomiye Mursal u gudbiyeen Walaaca xooggan ee laga muujinayo Hindise Sharciyeedkaasi, isla markaana ku booriyeen Golaha Wasiirada inay dib u soo celiyaan Hindise-sharciyeedka Asalka ee Degmadda Galmada.

Walaaca QM iyo Beesha Caalamka ee arrintaasi waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay inta badan Xildhibaanadda shalay gaashaanka ku dhufteen Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedkaasi, kuna tilmaameen mid ka hor-imaanaya Diinta Islaamka iyo Akhlaaqda suuban ee Ummadda.

Dhinaca kale, Guddoonka Golaha Shacabka waxay Kulankii shalay ka sheegeen in dib loo soo hagaajinayo Hindise-sharciyeedkaasi, isla markaana la soo dhaweynayo Xildhibaan kasta ee Aragti ka dhdiibanaya Hagaajinta Hindisahaasi, si mar kale loo hor keeno Fadhiyada soo socda ee Golahaasi.