Iska jir Abubakar Somali ah!!!.=Aqri adigaa yaabi doona=

Abubakar Bin Cawad waxa uu ahaa Nin Carab ah oo aad looga yaqiin Xeebaha Somalida, waxa uu ahaa Turjubaankii Shirkadihii Sahanka Gumeysiga, Bacdamaa uu kaligii yaqiin Luqadaha labada dhinac, waxa uu bixin jiray warbixino khaldan, sida in Carabta Somaliya ku nooli ey leeyihiin xuquuq dheeri ah, qorayaasha Taariikhdana waxa uu u sheegi jiray in Carabta Ganacsatada ah ee Xeebaha dagani ey yihiin Boqoro eyna tahay in iyaga lagala macaamilo, taa oo markii dambe la ogaaday in uu been abuurayay isagiina ey Galaafatay.
Abuubakar Bin Cawad waxa uu ahaa Ninkii Sultan Osman Maxamudkii Majeertenya ku qanciyay Heshiiskii uu la galay Shirkadii Filonardi ee uu ku hoos tagayay Talyaaniga, ee laga saxiixay 7/4/1889,sida ku cad qoraalka “libero ferde, doc.11,annex 1, page 40”.
Arrinta Dhinaca Banadir, markii uu ka shakiyay Talyaanigu Abuubakar waxa uu u soo diray Mr. Lovatelli si baaritaan uu ugu sameeyo, waxa shakiga keenay ayaa ah Markii Sh.Faqi Adda oo ka mid ahaa Culumada Somalidu uu ka digay howsha Turjubaanka Abubakar, kaa oo xiriir gaara la lahaa Carabta Magaalada Marko, iyo in Abubakar ey colaad iyo Neceyb kala dhexeyaan Biyamaalka. Shiikh Faqi ayaa ku yiri: Haddii aad dhinac la safataan Colaada ka dhexeyso Carabta iyo Somalida waxaad sii hurineysaan xaaladda. Abubakar waxa uu ka gudbinayay Somalida naceyb isaga oo codsaday in carabta la siiyo Awood dheeri ah. sida ku cad qoraalka Lovatelli ee July 13/1893 iyo Qoraalka Filonardi uu ka qortay Sh. Faqi, laakin qoraalka Filonardi Taariikhda la qoray iigama muuqato.
Dhinaca kale Abubakar wax a uu ku jiray Ciidamadii Talyaanga ee Magaalada Cadale lagula dagaalay, markii Calankii Talyaaniga la gubay lana dilay 50 ka mid ah Ciidamadii Talyaaniga, Abubakar waxa uu ku jiray koox yar oo soo carartay oo Xamar lug ku soo gashay, weliba isaga oo dhaawac ahaa.
Bishii June 1891 waxaa kala shakiyay Mr. Lovatelli iyo Mr. Cecchi, Cecchi oo makii dambe ey Wacdaanu dileen, Labada Nin ayaa ka shakiyay xaaladda Shirkadaha Talyaaniga ee ahaa Sahankii Gumeysiga.
Shirkadda Filonardi ayaa lagu eedeeyay in magac kaliya ey meesha ku heeyso oo eyna awood kale leheeyn iyo in Dakhligeedu ahaa Sannadkii 1893-1894, lacag dhan 461.000 Lire oo kaliya, welibana Lacag kaalmo ah ey Dowladu ku siiso Maamulka Banadir taa oo dhan 300,000 Lire iyo 50.000 Lire oo lagu siiyo Qabsashada iyo Xukumida Cadale. Halkii iyadu ey Dakhli soo galin leheeyd Talyaaniga. Shirkada dakhilgeeda ayaa ka yaraaday kharajka Dowlada Talyaaigu ku bixiso, waxaa la go’aamiyay in awooda Dowlada Talyaanigu kala wareegto. Waxaa laga shakiyay Abubakar oo lagu eedeeyay in Hanti doon uu yahay ciddii wax siisana uu u adeegayo iyo in Shirkadda uu ka shaqeeyo hal Qof oo kaliya oo ah Reer Yurub inta kalena ey yihiin Abuubakar iyo Carab. Sida ku cad Buuga “ Italian Colonialism in Somalia” ee uu qoray Rebert L. Hess.
waxaa arrintu is bedeshay makuu yimid Ganacsadihii Reer Milano Mr. Giorgio Mylius Afrikada Barri, kadibna Ganacsato Talyaani aheyd oo muddo daganeed Mogadishuna ey Filonardi ku eedeeyeen in Monopoly ey ka dhigteen Magaalooyinka Cadale, Warshiikh iyo Tuulooyinka Xeebta, Abubakarna waxa ey ku eedeeyeen in uu danaha shirkadda u isticmaalo dantiisa gaarka ah, Abubakar iyo Somali kalena waxaa lagu eedeeyay in ey abuurayaan xaalad kicin ah.
Abubakar waa la xitay waxaan loo masaafuriyay Xabsi ku yiil Magaalada Masawac isaga oo aan dacwo lagu soo oogin, halkaana waxa uu ku xirnaa dhowr sanno, illaa uu ku geeriyooday Xabsiga dhaxdiisa.
kadibna waxaa xoogeeystay Shirkado kale oo uu isticmaarku lahaa oo ey ugu weyneed Shirkadda “Banadir Compay” oo uu hogaaminayay Gofernarkii ugu horeeyay Mr. Emilio Dulio. Bishii Desembar,25/1899 illaa 5 oktobar 1903.
Digniin
Haddii Shalay Isticmaarku kugu soo galay Shirkado ganacsi oo wakiil u ahaa Gumeeysiga, Maantana waxa uu kugu soo galayaa Shirkado Shidaal, iyo Abukar Bin Cawad oo markaan ah Turjubaan Somaliya, si Maamulada Somalida uu uga saxiixdo Heshiisyo uuna aqoon Saxiixuhu dhibaatada ey u keeni kartaan Jiilka dambe. laga yaabee in Turjubaanadu ey ku dambeeyaan halkii uu ku dambeeyay Abubakarkii carabka ahaa.
Walaalkeeyoow/ walaasheeyeey, Ishaadu ha koreeyso.
FG: Ma ihi Qof Culuunta Taariikhda ku takhasusay, intaan ayaan Caawa ka soo ururiyay dhowr Qoraal oo hore. Fadllan wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir