Dowladda Soomaaliya oo Maamulka G/Banaadir ku Wareejisay Waxbarashada Muqdisho.


Xaflad ballaaran oo maanta lagu qabtay hoolka sahal ee magaalada Muqdisho ayaa maamulka gobolka Banaadir Lagu wareejiyay waxbarashada Caasimada.

Xafladaasi waxaa ka qeyb-galay siim hayaha Ra’isulwasaaraha dalka ahna sii hayaha ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar-Filish) sii hayaha wasiirka waxbarashada iyo tacliinta saree ee dalka Cabdullaahi Goodax Barre iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashaya wasaaradda waxbarashada dalka ayaa 19 bishii aan soo dhaafnay qaday imtixaanka dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.